Jubba iyo Raaso, Kaaf iyo kala dheeri

Cabdiqaadir Maxamuud Yuusuf, Jubba Raas

Madaxweyne maamul goboleed la magac baxay Jubba Raas Cabduqaadir Maxamuud Yuusuf ayaa baaq kasoo saaray abaaraha ka jira Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Jubbooyinka

Isagoo warbaahinta kula hadlay hotel Nairobi ku yaala ayuu sheegey in ay mudantahay in la gargaaro dadka tabaaleysey ee ay abaaruhu saameeyeen.
Gobolada Jubbooyinka iyo degmada Raaso waa labbo deegaan oo aad u kala fog, kuna kala yaala labo dal oo kala xuduudo ah, Cabdiqaadir waxa uu doonaya in uu madaxweyne ka noqdo maamul uu ka hergala labadaasi deegaan.

Wuxuu noqonayaa maamulkii shanaad oo sheegta in uu ka talinayo gobolada Jubbooyinka, laakiin dhamaadtood ma jiraan mid gobolka ka howlgala marka laga reebo maamulka Azania oo ciidamo iyo maamul ka hergaliyay qeybo ka mid ah gobolka oo inta badan Shabaabka ka taliyaan.

Raaso waxa ay ku taalaa dhulka Soomaalida ee ay Ethiopia maamusho.
Kismaayood.com


Fikradaha Akhristayaasha (18)

  1. asad says:

    waa nin qarwaya uma layn mahayo in uu fayoowyahay raason waxa ay ku taalaa dhulka la gumaysto ee somalida jubooyinkuna waa meeshii aan naqaanay waa koonfur somalia marka magaranayosida lagu alifay riwaayadan kaaf iyo kala dheeri weeye

  2. Xagar says:

    Hor! tan abadkeed waxaan maqalnay ma aha.Hadii maanta nin Raaso nin kasoo jeedo uu kudoodaya sidatan waa mashaqo aduun!Raaso halkay inaga soo gashay .Waxaan filan karnaa in mardhaw aynu ka war helno kuwa kale oo waalan oo la baxa Juba jigjiga,Juba Qarbidahare,Juba Qoroxay,Juba Hargeysa,Juba Boorame,Juba Bosaaso,Juba Gaalkacyo,Juba Caabudwaaq,Juba Guriceel, Juba Baladweyn,Juba Baidhaba,juba Xamarweyne, juba Mandhera, Jaba Garisaa. juba….

    Waxaad moodaa in fikir qaldan oo ku saabsan deeganada jubooyinka in ay somaali badan ay naawilayso oo ah in jubaland aanan lakala lahayn halka gobolada kale ay leeyihiin dad qaas ah.
    Maskaxdan qaldan waa mid aanan loo dulqaadan karin hanoqdeen dadka sidaa aaminsan kuwa sokeeye inoo ah mise shisheeye waa in fikirkaasi laga masaxo quluubta dadka Somaliyeed oo ay ogadaan in jubaland ay leeyihiin dadka deeganka u ah wixii intaa dhaafsiisan loo arko xad gudub aan geed loogu soo gaban oo haboon in la iska caabiyo

    Shaqsi ahaanteeda waxaan bilaabaya abaabul iyo baraarug aan ka dhex abuuro gobolada jubooyinka oo keenta in nimaan degaankaasi ku dhalan mise xigto rasmi deegaan u ahayn in uu uu faraha iskala baxo.
    Hade hadii kale xisaabta halagu darsado in aynu inagana keeno fikir ah in aynu ku duulno deeganada inasoo xiga iyo kuwa inaga durugsanba inoo raaceeyno dhariiqan qaldan ay soomali badan jecleesatay in ay inagu soo xad gudbaan.
    Waxaan dhici doonto in aynan ku ekaanin Xagar,Afmadow,Bardheere,kismaayo, saakow,Jilib, Bualee iyo Raaskambooni oo aynu si kas iyo maag ah aynu ugu talaabno in aynu la wareegno Baidhaba ,Baladweyn,Muqdisho,Gaalkacyo, Bosaaso iyo degaanada kale ee somalida sheegato.
    Hadii kale waa in la xaq dhawro oo nin waliba ku ekaado deeegaanka uu Alle ku maneestay.

  3. Cabdiraxmaan says:

    malintii la samynayay ayaa nin an sxiibo naay oo qoyskaasa ayaa isagoo qosli iigu yimid meel aan ku wada sugnayn markaas ayuu ii waramay in ay maanta maamulgoboleed samaysanayaa magacaasna la yiraa markaas ayaan ku iri waa RIYO-MAALMEED waxiinu ee iska riyooda qosol ayuu la dacay
    marka waxaa xaqiiqa sida qoraalka wariyu ku cadeeyay in ay taasi taay RIYO-MAALMEED nin kastana iska garanaayo lana rabo in rayiga iyo caqliga dadkooda la maaweeliyo oo laysu tusiyo in ay muuqdaan taasna saaxada siyaasadeed laguma soo geli karo

  4. waamo says:

    ma ka fikirteen in ninkani doonayo in uu fikir ahaan isugu tollo labada gobol ee kala fog. soo hore ugama dhicin jubooyinka markii morgan isku tolay puntland iyo kismaayo oo sanado loo maara waayay.? Yaan lala yaabin ee riyadiisa hala darso ayeey ila tahay.

  5. inabaarud says:

    Ascwb:kkkkkk Waa wax lagu qoslo in shiikhaal dhul intaas la eg maamul u samayn karto waa waalida somalida ku dhacaday ofcourse dhulka somali badan baa degan oo sheekhaal ka mid tahayMaxaase u diidaaya marka an arko mid jigjiga ama qabri dahare ku dhashay amaba qardho iyo bosaso ama cabudwaaq uu yiraahdo jubboyinka ayaan lee yahay mid la yaableh ma ahan.Jubboyinku ma sida juyugrafi ahan baa mise wa mid beeled?yaa iiga jawabi kara.Anigu waa hawshan in juboyinka ay sheekhaal boobto ka masuul ah beesha darod dhamntood.Juboyinka waxaan u fahan sanahay dhulka wabiga jubo uu maro from gedo iyo halka bada wabigu kaga daro waa dhul somaliyed darod se uu majority ku yahay siday doonaanba ha ugu kala bateene,sheekhaal waaba roon tahaye raxanweyn ayaa hadda u soo socta sideed yeelaysaan darod gabgab(absame iyo sade)xagee aadaysan?illeen siyasadna ma lihidin siyasadna ma fahantaan walaalkiina ma ogolidiene(majerten)cudur majerten ayaa idinku dhacaye makra waa cajib ha la idinka qaato dhulka

    • caaqil Max'ed says:

      Inabaaruud dhulka adiguba waad ledahay, hadalkaaduna wuxuu u egyahay qof quustay, walaal dhulka waa dhul Somaliyeed ee yeysan kalsoonida kaa bi’in jabkii kismaayo eee dhowrka jeer
      . kismaayo ayaad degta oo aad xubin mudnaan ah leedahay sida duqa magaalada ee ha quusan hana oran absamoow iyo sadoow dhulkii waa la idinka qaaday.

  6. quman says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.jecliyaa jabkaan .raaso and jubba.reer waamo .ama gedo yaa idin gaareey.nin hurda xoolahiisa waa la muudsataa sidii buskud shaah ku dhacaay camal.lol. 20 sano waxaad lahaad weydeen maanta maad lahaaneysiin. sheeqaal waaba somali armeey keenyaati dhulka qaataan .mac sonkor .viva raaso jubba kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  7. cumar afmadoow says:

    kkkkk

  8. Abshir says:

    A,S,C.
    MAXUU YIRI SHEEKHAALKU? JUBBA, IYO RAASO AH! KKKK WAA SHEEKO CAJIIB AH! IYAA WAR MIYUU WAASHAY WAXU! WAR HALA DAAJIYO ODAYGA! SAAXIIBAYAAL SHEEKHAAL MA HAWIYE BAA? MISE WAA DIR? MAHADSANIDIIN KISMAAYOOD.COM

  9. Khayr qabe says:

    Cajiib hala yaabina hadaan sheekhaal nahay hore ayaan dh ul dad uga qaadney iyadoo layaaban yahay wax aan hada bilowney ma.aha ma hilmaanten raaso yaa lahaa 10 sano ka hor

  10. war sheekhaalkan halkuu naga soo galey ma cirkuu kayimid yaase awoodaa siiyey doofaarka najiska walaahi waa nasiib daro in dhulkeeeena qof kasta damiir xun iska sheegto ,raaskamboni ‘burgabo’badade ‘kolbiyow’waldena ‘hosingo’dhobley ‘qooqqni’taabda ‘afmadow’xagar ‘buaale jilib ‘jamaame’kismaayo ilaa jasiiradaha badda saaxibayaal qof is ka sheegan karto malahan oo anaga ka aheyn ogaaden dhamaanteen dalkeena aan u tashano baab baahsan ayaan ujeedaa

  11. caaqil Max'ed says:

    asc walalayaal, horta Alle halag baqo oo yeynan nala tegin qabyaalada..wiika sheegtay in uu mideynayo maamulna u sameyey haba ahaado mid hadal ahee waa wiil soomaaliyeed Jubana wax ka dega. shiikhaal wa degen tahay jubada hoose iyo jubada dhexe 2da gobolba. Gobolada uu webiga juba maro waxa ay ka kooban yihiin Jubada hoose: 5 degmo, Jubada dhexe: 4 degmo, Gedo: 6 degmo.

    Haddaba aan idin sharaxo sida ay qabiiladu u kala degen yihiin degmooyinkan anoo iska ilaalinaya inaan cid u eexdo ama ka eexdo wixii an ku gafana nafteyda iyo sheydaan bay ka ahaadeen wixi aan wanaajiyana Eebbe u sugnaatay oo mahadaas iska leh.

    Jubadda Hoose:

    Kismaayo: waxa wada dega Ogadeen, majeerteen, cawramale, gaaljacel, shiikhaal, jareer, baajuun, wardey, ajuuraan

    Badhaadhe: Ogaadeen, shiikhaal iyo qabiil loo yaqaana booni oo cawaan ah xigana dhanka xuduuda Kenya

    Afmadow: Ogadeen

    Xagar: Jidwaaq

    Jamame: Dir iyo jareer

    Jubada dhexe:

    Bu’aale: Ogadeen, Jidwaaq, Ajuuraan, Dabare

    Sakow: Raxan-weyn, Ogaadeen, Dabare, ajuuraan

    Salagle: Ogaadeen

    Jilib: Jareer, Ogaadeen, shiikhaal, dir

    Gedo:

    Garbahaareey: Mareexaan

    Luuq: mareexaan, gabaaweyn, raxan-weyn

    Doolow: mareexaan, raxanweyn, gare

    Ceelwaaq: gare, mareexaan

    Baardheere: raxanweyn, mareexaan, Ogaadeen, ajuuraan

    Beledxaawo: mareexaan

    waxa aan marka xiga soo qori doonaa sida degmooyinku u akala population badan yihiin anoo racay statistikadii u dambeeysay ee WHO.

    mahadsandiin

  12. jamac says:

    sheekhaal yaa raaso siiyey ? tas hadey run tahay dee inta kalena siiya

  13. jamac says:

    caaqil magaalo dad degenaa baad gaalo tigre usoo kaxeysateen ood xasuuqdeen hadana anaga leh baad lee dahat indho adeegaaga inaga ayaad na leedahay ilaahey halaga baqo hade waa kii dhiiga iyo xoolaha muslimka xalaal sadey cajib

  14. caaqil Max'ed says:

    Jaamac walaal qof walbaa oo Somali ah wuxuu xaq u leeyahay inuu dego, ku noolaado, ka shaqeysto dhulka ay Somalia degto asaga oo aanan loo eegeyn heybta qabiil ee uu ka sooo jeedo. hal waan oran karnaa beeshaa ayaa u badan deegaankaas taas oo aanan macnaheedu in beelaha kale ee Somaliyeed aysan degi karin, ku noolaan karin, ganacsi ka sameysan karin. Marka ay timaado doorasho qof deegaankaas u dhashay ayaa xaq u leh in loo soo doorto goobtas uu degen yahay.

    mahadsanid

  15. Caaqil, Waad mahadsantahay qoraalkaaga kusaabsan beelaha daga Jubooyinka iyo Gedo. Anigu waxaan ku darayaa:

    Jubadda Hoose:

    Kismaayo: waxa wada dega Ogadeen, majeerteen, cawramale, gaaljacel, shiikhaal, jareer, baajuun, wardey, ajuuraan

    Badhaadhe: Ogaadeen, shiikhaal iyo qabiil loo yaqaana booni oo cawaan ah xigana dhanka xuduuda Kenya

    Afmadow: Ogadeen

    Xagar: Jidwaaq

    Jamame: Biyomaal, Sheekhaal iyo jareer

    Jubada dhexe:

    Bu’aale: Ogadeen, Jidwaaq, Ajuuraan, Dabare

    Sakow: Raxan-weyn, Ogaadeen, Dabare, ajuuraan

    Salagle: Ogaadeen

    Jilib: Sheekhaal, Jareer, dir

    Gedo:

    Garbahaareey: Mareexaan

    Luuq: mareexaan, Sheekhaal, gabaaweyn, raxan-weyn

    Doolow: mareexaan, raxanweyn, gare

    Ceelwaaq: gare, mareexaan

    Baardheere: raxanweyn, mareexaan, Sheekhaal, Ogaadeen, ajuuraan

    Beledxaawo: mareexaan

  16. inabaarud says:

    KKKK ASWW:Ramdaan kariin CAQQIL MAXAMED KKKKKK Malaha somaliya waxaa kuugu danbaysay 1980kii?kkkk Waxaa ii muuqda in aadan wax badan ka war haynin dhulkan wax badan ayaa is bdedlay waliba waxaan aad ula yaabay shaxda j/hoose iyo gedo kkkkk aniga waxaa iigu danbayay 2004 kii Kismayo iyo jamaame saakow iyo gedo indha ayaa ka tuurtay sida ay ila tahay.Tusaale ahaan Kimsayo ciddii laga kari waayay ree marexan ayaadba ka tagtay sidii iigu wardnabaysay iyagaa ugu badnaa cadaaladd ayaana loo baahan yahay.Waxaan ku qoslayaa meesha ay sheekhaal ka degan tahay JAMAAM ma qoysas ayaa sheegaysaa?majeerteen ayaaba ooga badan.Tan gedo Luuq bal inoo sheeg sheekhaal ka degan?majeerten baaba kaga badan,baardheere sheekhal ayaa degan kkk ogaden waa joogi jireen maanta hal qof kama degana waa iyadoo la dhaho afmadow marexan baa degan.Sakow macalinweyne ayaa ugu badan ajuuraan ayaa ku xiga waxaan ku xijin lahaa marexan ogaden hal guri kuma lahan.Jilib dir reer sheekh cali gaabow ma ahane yaa kaloo degan oo dir ah?iyagan guryahoodii war hore ayay gateen.Buraale waxaa ugu badan cawlyahan waxaa ku xigo ajuuraan marexan ayaa ku xigo hal qof oo dabare ah noo sheeg?Dolow raxanweyn ma degeno gare na degeno hadda waxaa ku soo harey marexan oo kaliya markii hore waxaa degenaan jiray garre mare iyo gabaaweyn maantana hal qof kama jogi waxaa joogo marexan kaliya ma aqaan haddii aad ka hadlayso 1980 gii Badhadhe sheekhaal baadiyaheeda kore may be laakiin magaalada iyadaaba iska yar oo wax jogaba ma lahan waa un qooqaani oo degmo laga dhigay xoogaa maakaahiil ah un baa joogaa laga yaabe qoysas somali waa is wada dhashay in ay degan yihiin.Kismayo ajuuraan ayaa degan wali ma arkin hadaanan qaldanayn inta kale ee aad sheegtay waan arkay.Marka xasusuta dib ugu noqon Kismayo ma ahan kismayadii ciise maxamud maanta reer diini ayaa degay uguna badan ogaantay ogaden waa degan yihin lakin majerten iyo marexan ayaa uga badan waxaa ay isla g yihiin galjecel iyo shiikhal ogaden ka degan sidaas ayay ila tahay may be in aan khaldanaan karo




WARARKI HORE

Beero Xashii oo dab la qabadsiiyay Dhul beeraad xashiish lagu tabcayay oo dab la qabadsiiyay
- Apr 2, 2014
[caption id="attachment_14232" align="alignleft" width="300"] Beero Xashii oo dab la qabadsiiyay[/caption] Maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ee ...
kistaa Kenya oo qunsuliyad ka furatay Kismaayo
- Apr 2, 2014
Karanja Kibicho Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada Arimaha Dibada ee Kenya ayaa daaha ka ...
Jidgooyooyin lagu sugayo ammaanka oo la dhigay wadooyinka xaafada Eastleigh iyo dadka Soomaalida oo wadnaha farta ku haya
- Apr 2, 2014
[caption id="attachment_14219" align="alignleft" width="330"] Booliska oo baaraya gaadiid maraya isgooyska Burhan State Eastleigh[/caption] Dadka Soomaalida ...
Daahiye Xildhibaanka laga soo doorto Dhabaab oo ka hor yimid in qaxootiga lagu celiyo xerooyinka
- Apr 1, 2014
Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Dhadhaab Maxamed Daahiye ayaa kasoo horjeedsaday go’aanka dowladda Kenya ...
Seeraar Seraar “Waxaan soo dhaweyneynaa maamulka seddexda gobol ee Baydhabo”
- Apr 1, 2014
Afhayeen maamulka KMG Jubba, Cabdinaasir Seeraar ayaa warbaahinta la hadlay isagoo sheegay in ay ...
qarax-nair 5 qof oo ku dhimatay qaraxyo is xig-xigay oo ruxay xaafada Eastleigh
- Mar 31, 2014
Laba qarax oo is xig-xigay ayaa caawa fiidkii ka dhacay xaafada Eastleigh ee ay ...
Mudane-Jawaari Jawaari “Ma qaadan doono miisaniyad lagu keenay lacag dollar ah dalka lacag buu leeyahay taas baan rabnaa
- Mar 31, 2014
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaliya Prof: Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa markii u horeysay ka hadlay arrinta ...
wadada Al-Shabaab oo xanibtay isu socodka gaadiidka ee Beledweyn iyo Buulo-burte
- Mar 31, 2014
Kooxda Al-Shabaab oo dhawaan laga qabsda degmada Buula-burte ayaa bilowday qorshe cusub oo ay ...
kenya-police-nairobi Hawlgalo ka socda xaafada Eastleigh ee ay Soomalida degto
- Mar 31, 2014
Ciidamada booliska iyo kuwa laanta la dagaalanka Argagaxisada ayaa ka wada xaafada ay Soomaalida ...
jawaari Madaxweyne Xasan iyo Jawaari oo caawa Baydhaba ku hoyday
- Mar 30, 2014
Madaxewynaha dowlada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray ...