Maxaan oga tagay Bar-Kullan? : C/Qafaar Shire

Waxaa maalintii isniinta 13 December 2010 magaalada Nairobi ee caasimadda Kiinya, warfidiyeenada Soomaalida kula hadlay wariye Cabdiqafaar Axmed Shire oo kamida bahda warbaahinta Soomaalida oo eedaymo iyo cambaarayn kulul u jeediyay, maamulka iyo qandaraaslayaasha ajnabiga ah ee gacanta ku haya maamulka idaacadda Bar-kulan, isagoo Cabdiqafaar ku tilmaamay Bar-kulan idaacadda ugu musuqmaasuqa badan idaacadaha ku hadla afka Soomaaliga. 

Wariye Cabdiqafaar Shire oo muddo sanad ah ka shaqeynayay idaacadda Bar-kulan ahaana madaxii Webka Idaacadda iyo waliba soo saarihii barnaamijka Soomaalida iyo Tiknoolajiyadda ayaa warbaahinta iyo qeybaha kale ee bulshada gaar ahaana dhalinyarada ku casuumay Hotel Barakaat ee magaalada Nairobi isagoo halkaasi ka jeediyay khudbad aad u dheer oo u si dhameystiran kaga hadlay ulajeedadii uu warbaahinta Soomaalida isugu yeeray iyo fariintii rasmiga ahayd ee uu doonayay inuu halkaasi kusoo bandhigo.

 Wariyaha oo kulankaasi ka akhriyay khudbaad aad u dheer ayaa ugu horeynba sheegay inuu kamid ahaa koox wariyayaal Soomaaliya oo sanadkan bilawgiisii loo qaatay idaacad lagu magacaabo Bar-kulan.

 “Waxaan ka tirsanahay bahda saxaafadda amaba warfidyeenada Soomaalida waxaana qeyb ka ahaa koox wariyayaal Soomaaliya oo loo qaadtay idaacad sanadkan bilawgiisii laga furay deegaanka Spring valley, degmada Westland ee Magaalada Nairobi ee caasimadda Kiinya, waxaa idaaccadaasi lagu magacaabaa Bar-kulan waxayse Soomaali badan u taqaanaa idaacadda AMISOM” ayuu Cabdiqafaar Shire Hadalkiisa ku bilaabay, waxa uuna intaasi gadaal ka raaciyay inuu kamid ahaa wariyayaashii Bilawgii Idaacadda amaba intii aysan idaacaddu hawada soo galin la shaqaaleeyay isla markaana wax ka suurta galiyay in idaacadaasi ay bilaw wanaagsan hawada kusoo gasho.

 Wariye Cabdiqafaar Shire oo isugu yeeray qeybaha kala duwan ee warbaahinta Soomaalida waxa uu tilmaamay in idaacaddan lagu magacaabo Bar-kulan ay maalgaliso isla markaana kharashaadka ku baxaya ay bixiso Jamciyadda quruumaha ka dhaxeysa amaba Qaramada midoobay qof waliba sida uu u yaqaano, waxaana uu sheegay in loo soo marsiiyo dhaqaalaha Hay’ad lagu magacaabo UNSOA oo ah hay’adda QM u qaabilsan taageerada ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM oo lagu magacaabo United Nations Support for AMISOM hase ahaatee loo soo gaabiyo UNSOA, waxayna hay’adaasi u wakiilatay idaacadani iney maamulaan shirkado ajnabiya oo intooda badan laga leeyahay dalalka galbeedka gaar ahaana Britain amaba United Kingdom.

 Wariyuhu waxa uu markii ugu horeysay ka sheekeeyay cidda maamulaysay markii loo qaadanayay shaqada Bar-kulan oo ahayd wakhtigii rasmiga ahaa ee ay idaacaddu bilawday iney hawada soo gasho, isla markaana kusoo biirto warbaahinta Soomaalida iyadoo huwan dhaqaale aad u xooggan oo kasoo burqanayay Qaramada Midoobay.

 “Waxaa markii shaqada naloo qorayay sanadkan bilawgiisii raadiyaha Bar-kulan maamulayay Shirkad lagu magacaabo Okapi Consulting oo fadhigeedu yahay dalka Koonfur Afrika  gaar ahaana magaalada Johanesburg, waxaase bishii tagtay ee November idaacadda la wareegay Shirkad kale oo lagu magacaabo Albany Associates taasi oo laga leeyahay dalka United Kingdom amaba UK, sida uu wariye Cabdiqafaar Shire warfidiyeenada u sheegay.

 Wariyuhu waxa uu qiray in go’aamada ugu sareeya ee idaacada bar-kulan ay gaaraan rag aanan u dhalan Soomaali islamarkaana dalalkoodii uga yimid iney ku tagri falaan isla markaana siday doonaan ka yeellaan dhaqaalihii umadda Soomaaliyeed loogu talo gallay gaar ahaana horumarinta warbaahinta Soomaaliyeed, iyadoo uu sheegay inuu qirayo in qaar kamida ay dalalkooda idaacado ku leeyihiin, isla markaana ay ku maamushaan kharashaadkii loogu talo galay warbaahinta Soomaaliya idaacadahooda gaarka ah.

 Wariyaha sidoo kale waxa uu qeybihii kala duwanaa ee warfidiyeenidii halkaasi isugu yimid ku wargaliyay inuu sidoo kale kasoo tagay shaqada idaacadda Bar-kulan kadib markii tacadiyo dhameystiran sida uu wariyuhu sheegay ay kula kaceen saraakiisha ajnabiga ah ee ka hawl gala Bar-kulan islamarkaana ay sii aanan waafaqsanayn shuruucda iyo qawaaniinta warbaahinta Caalamka.

 “Waxaan rabaa inaan idinku wargeliyo inaan shaqadii aan u hayay idaacadda Bar-kulan kasoo tagay 6di bishan Dec ee sanadkan 2010 kadib markii tacadiyo iyo dhibaato badani kadib ay maamulka Bar-kulan go’aan ku gaareen inaan shaqada joojiyo, islamarkaana si aanan waafaqsanayn qawaaniinta iyo shuraacda u degsan saxaafadda iila dhaqmeen, shaqadiina ay iiga soo saareen.

 6dii Bishan Dec ee sanadkan 2010 oo ku beegnayd maalin isniina ayaa maamulka idaacadda Bar-kulan oo guud ahaanba intii aanu sanadkan u shaqeynaynay nagula kacay xadgudubyo ka dhan ah saxaafadda guud ahaanba wariyayaasha ka hawl gala gaar ahaana anigoo kamid ahaa wariyayaasha raadiyaha iyo Websiteka Bar-kulan labadaba.

 Anigoo u arkayay xadgudubyadaasi kuwa aanan u dulqaadan karin islamarkaana u muuqday kuwa lagu dulaysanyo oo lagu liidayo mihnadayda shaqo ee aan mudada sanadka ah ugu shaqeynayay idaacadda Bar-kulan.

 Waxaan anigu aaminsanahay in saxafiga uu yahay ruux door wanaagsan ku leh horumarka iyo isgaarsiinta bulshada, isla markaana uusan ahayn ruux lagu dulaysan karo islamarkaana lagu gumeysan karo shilimaad yar oo mushaar ahaan loo siiyo.

 Maalintaas aan kor kusoo xusay ayaa waxaa dhacay arin sababtay in la iga joojiyo shaqadii aan bar-kulan u hayay islamarkaana ay maamulku si aanan wanaagsanayn iila dhaqmaan islamarkaana ii muujiyaan in idaacaddu aysan ahayn idaacad ku shaqeysa cadaalada iyo sinaanta oo ah waxa kaliya ee lagu gaari karo horumar iyo baraare bulsho.

 Cabdiqafaar Shire waxa uu ahaa wariyihii bahwadaagta saxaafadda Soomaalida ugu horeeyay ee si joogta ah hal mar todobaad walba u soo saari jirey barnaamij ka hadlaya luuqadda afka Soomaaliga kan sheekaynayay tiknoolajiyadda Caalamka oo ku baxa afka Soomaaliga, kaasi oo todobaad walba sadex jeer ka bixi jirey Raadiyaha Bar-kulan.

‘Anigu waxaan ahaa mid kamida aasaasayaashii hanaanka lagu dhisay bogga idaacadda Bar-kulan.com, waxaan si wada jira dhismaha bogga uga wada shaqeynay Kim Gjestrad oo ah nin asalkiisu yahay Kanadiyaan iyo laba kamida wariyaasha Soomaalida ee Bar-kulan haatan ku sugan, waxaa shaqada ii qoray ninkii Bar-kulan markiisii hore dhidibada u taagay oo lagu magacaabi jirey David Smith kaasi oo bishii November ee sanadkan 2010 mashruuca laga saaray shirkadiisa oo ahayd midda qandaraaska markii ugu horeysay ku qaadatay iney bar-kulan maamusho, sidaasi waxaa yiri Cabdiqafaar oo la hadlayay mid kamida warbaahinta ku hadasaha Afka Soomaaliga.

Cabdiqafaar oo si faahfaahinaya wakhtiga uu bilaabay barnaamijka Soomaalida iyo Tiknoolajiyadda sida loo soo dhaweeyay dhageysiga barnaamijkaasi, iyo waxa dhaliyay khilaafka shaqada looga joojiyay ayaa sheegay ineysan marnab ahayn mid isaga shakhsiyan ka daadagta qaabka ay wax u dhaceen isla markaana uu ku micneeyay mu’aamarad qarsoodiya oo uusan marnaba garanaynin waxa uu ku micneeyo arintaasi.

“Sideedaba anigu waxaan bilaabay baahinta barnaamijka Soomaalida iyo Tiknoolajiyadda bishii May 17       keedii sanadkan 2010, anigoo ahaa madaxa Webka Bar-kulan ayaan barnaamijkan oo aan markiisii horeba anigu lahaa magiciisa aan maamulka isku waafaqnay inaan baahiyo si ay dhalinta Soomaaliyeed u hellaan barnaamij ka jiritaan waramaya oo ay ka heli karaan wararka khuseeya wakhtigaan casriga ah ee lagu jiro waxa loogu yeero Digital Age iyo tiknoolajiyadda caalamiga ah ee caalamka ka jirta arintaasina wax badan ayaan ku garawsaday oo aan ku ogaaday guulaha aan kala kulmay”  ayaa Cabdiqafaar hadalkiisa kamid ahaa.

Wariye Cabdiqafaar Shire oo barnaamijkiisii ugu dambeeyay ee uu ka baahiyo idaacadda Bar-kulan oo ku saabsanaa barnaamijyo taxane ah oo uu uga hadlayay Domainka amaba furaha internetka Soomaaliya ee DOT SO ay tilmaamay in barnaamijkaasi uu qeybta ugu weyn ka qaadtay inuu Shaqadii ay hawlihii bar-kulan uu wariyahaasi u hayay isaga soo tago.

“ 11kii November waxaan 10ka barqanimo oo ahayd wakhtiga rasmiga ah ee aan shaqada galo aan tagay xafiiska bar-kulan, waxaana muddo yar kadib ay labo kamida saaxiibadii aan isla shaqeynaynay gaar ahaana Axmed Qeys iyo Ayaanle Hussein ay ii sheegeen in Domainkii Soomaaliya ee DOT SO lagu areejiyay shirkad ajnabiya, waxayna isla markiiba ii soo direen linkiyo xambaarsan macluumaadka ka hadalaya Domainka Soomaaliya, iyagoo sidoo kalana igu wargeliyay inuu ii baahan yahay agaasime ku xigeenka Bar-kulan oo ah wariye u dhashay dalka Benin oo lagu magacaabo Soulle Issiaka”

Wariye Cabdiqafaar waxa uu qiray in barnaamijka domainka inuu sameeyo uusan markii horeba isagu ku qanacsaneyn isla markaana ay maamulku ku adkeeyeen in afar barnaamij oo xiriir ah uu arimaha domainka ee furaha internetka Soomaaliya ka sameeyo, kadibna ay dhalisay arintaasi in dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay si toosa ula soo hadasho bar-kulan kuna dhaliisho barnaamijkii idaacadda ka baxay  taasoo kadibna gogosha u xaartay in Cabdiqafaar Shire uu ka tago shaqadii iyo barnaamijkii Halbawlaha ahaa ee uu u hayay Idaacadda Bar-kulan, waxa uuna yiri:

“Markii la igu wargeliyay inaan la kulmo Soulle issiaka oo ahaa maamulaha barnaamijyada iyo wararka raadiyaha Bar-kulan, ayaan isla markiiba tagay xafiiskiisa, waxaana ka wada hadalnay qaabka barnaamijta aan uga sameyn lahaa Furaha internetka amaba Domainka Soomaaliya ee DOT SO oo markaasi wararka soo baxaya ay sheegayeen in lagu wareejiyay shirkad ajnabiya oo lagu magacaabo GMO registry taasi oo laga leeyahay dalka Japan, waxa uuna Soulle igu amray inaan afar barnaamij ka sameeyo Barnaamijka Domainka Soomaaliya, isagoo qaabkana uusan xirfadayda iyo aqoontayda uusan igu daynin balse igu amray inaan u sameeyo hanaan uu isagu i siiyay, waxa uuna igu amray inaan afarta Barnaamij ka dhigo inaan sadexda barnaamij ee hore ku baahiyo waxa uu yahay Domain, fahamka guud ee Domainka, qaabka heshiisyadani u dhaceen eedaymaha dawladda federaalka Soomaaliya loogu jeedinayo iney Domainkii Soomaaliya iibsatay, halka barnaamijka ugu dambeeya la igu amray inaan ka dhigo mid aan ku wareysanayo dhinacyada kala duwan ee dawladda KMG ah ee Soomaaliya, markii ay halkaasi mareyso ayaa waxaa dhacay inaan Soulle oo ahaa ninka Formatka amaba qaab dhismeedka barnaamijyada taxanaha ah ii sheegayay aan u soo bandhigay in iskaba daa saddex barnaamij oo dawladda lagu dhaliilayo dawladuna aysan ka qeyb qaadanaynin aysan macquul ahayn sameynta hal barnaamij oo hal dhinaca lagu eedynayo, iyadoonan la helin kuwa wax eedaynaya iyo kuwa eedaymaha loo jeediyay ka jawaabaya, waxaa markaasi dhacay hadal sababay in barnaamijkaasi aan u sameeyo sidii la igu amray anigoo ay niyaddana iiga taagnayd in barnaamijkaasi ay ciladi ka soo laaban doonto.

Wariye Cabdiqafaar waxa uu sheegay in qaabkaasi loo soo jeediyay inuu u sameeyo barnaamijyada afarta ah ee lagu wargeliyay uu ka sameeyo Domainka Soomaaliya ee DOT SO uu ugu horeynba isagu dhaliilsanaa isla markaana maamulka ka codsaday in qaabkaasi si ka duwan barnaamijka uu u diyaariyo islamarkaana usoo saaro barnaamijyadaasi taxanaha ah ee looga hadlayay Domainka Soomaaliya.

“Ugu horeynba qaab dhismeedka afarta barnaamij la igu wargeliyay inaan u diyaariyo waan saluugay waxaana maamulka ku wargeliyay haddiiba dawladda Soomaaliya lagu dhaliilayo iney wareejisay amaba iibsatay Domainka Soomaaliya waa in barnaamijka koowaad ee aan arintaasi ka sameynayno Bar-kulan ahaan uu noqdo mid isu dhameystiran oo aan ula jeeday in dadka wax eedaynaya iyo cidda la eedaynayaba aan wada waraysto si barnaamijku u noqdo mid dhameystiran islamaraakana aysan wax eedeyn ah Bar-kulan uga imaanin” Ayuu Cabdiqafaar oo si aada uga xun waxa lagula kacay sameeyay.

Waa la iga hoos qaadi waayay dalalbkaygii gaar ahaan Soule oo aanu Barnaamijka soo saaristiisa ka wada hadlaynay waxa uu igu yiri “Cabdiqafaar anigu waxaan Radio Netherlands ka soo shaqeynayay in kabadan 30 sano, inkastoonan fahmaynin luuqadda afka Soomaaliga haddana cidina iima sheegi karto agabka barnaamijka galaya iyo qaab dhismeedka barnaamijyo taxane ah loo sameeyo, waxaana kaa codsanayaa ayuu igu yiri inaad fulisa waajibaadkaaga shaqo barnaamijkaasina aad soo saarto waliba adigoo raacaysid qaab dhismeedka aan kuu sheegay, ayuu Cabdiqafaar Shire qiray.

Si kastaba ha ahaatee waxaa dhacay arintii aan anigu tuhunsanaa oo ahayd in dawlada Soomaaliya ay ka carootay qaabkii uu barnaamijkaasi uga baxay bar-kulan looga hadlayay, isagoo wariye Cabdiqafaar uu sheegay in Cabdikariim Xassan Jaamac oo ah wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta uu soo wacay xafiiska Qaramada midoobay u qaabilsan hawlaha idaacadda, maamulka bar-kulan iyo sidoo kale Soule issiaka oo ahaa ruuxa lahaa aragtida uu barnaamijkaasi ku baxay isla markaana loo soo saaray.

“Waxaa barqadii u barnaamijka baxay oo ahayd subaxnimo Sabtiya taariikhduna ay ku beegnayd 04-12-2010 aanu taleefan kuwada hadalnay Soule Issiaka oo markii horeba igu amray inaan barnaamijka qaabkaasi u sameeyo, waxa uu ii sheegay in Wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta Cabdikariim Xassan Jaamac oo lasoo hadlay Qaramada Midoobay, Simon Haselock oo ah madaxa shirkad lagu magacaabo Albany Associates oo iyadu maamusha Bar-kulan, Simon Davies oo ah masuulka albany associates u qaabilsan UNSOA oo ah hay’adda Qaramada Midoobayd u qaabilsan taageeridda ciidamada Amisom oo ah hayadda tageerta idaacadda Bar-kulan, waxa uuna wasiirku dadka uu soo wacay kala hadlay inuusan raali ka ahayn idaacadda Bar-kulan barnaamijka ay kasoo diyaarisay Domainka Soomaaliya ee DOT SO in lagu wareejiyay shirkadda GMO Registry oo dalka Jabaan laga leeyahay ee la sheegay in loo dhiibay maamulka domainka Soomaaliya DOT SO” sidaasi waxaa ii sheegay Soulle issiaka oo aanu wada hadalnay, waxa uuna intaasi raaciyay in wasiirku uu maamulka Bar-kulan ku wargaliyay inuu xumaan karo heshiiska DFKMG ah ee Soomaaliya ay Bar-kulan la wadaagto hadiiba idaacaddu ay baahineyso barnaamijyo liddi ku ah rabitaanka dawladda Soomaaliya.

Isla maalintii uu barnaamijka ka baxay idaacadda waxay Soulle Issiaka iyo Cabdiqafaar Shire isku waafaqeen in barnaamijkii subaxaasi idaacadda ka baxay wax laga badalo si uusan dhibaato kale ugu keenin xiriirka Bar-kulan iyo dawladda, waxaana sida Cabdiqafaar Shire uu sheegay laga saaray barnaamijka meelo badan oo lagu xusayay magaca wasiirada iyo masuuliyiinta dawladda ee lagu dhaliilayay iney iibsadeen amaba ay wareejiyeen Domainka Soomaaliya, waxaa sidoo kale uu wariyuhu qiray in lagu amray inaan ku daro wargelin gaaban oo dhageystayaasha ku ogeysiinayo in todobaadka xiga aan barnaamijka ku wareysan doono dhinacyada TFGda gaar ahaana wasiirka warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta, waxaana taasi caddeyn u ah ayuu wariye Cabdiqafaar Shire tilmaamay inuu hayo fariimihii gaarka ahaa ee ay isu direen isaga iyo Soulle Issiaka. 

Waxa uu barnaamijkaasi Bar-kulan ka baxay subaxdii iyo habeenkii sabtida ahayd oo ay bishu ku beegnayd 04-12-2010 waxaana ku celiskiisii baxay subaxdii xigtay ee Axadda waxa uuna Barnaamijku caro u gaystay masuuliyiintii dawladda ee lagu dhaliilayay iney iibasadeen amaba ay wareejiyeen mid kamida hantida guud ee qaranka Soomaaliyeed, waxayna arintaasi abuurtay in maalin isniina oo ay bisha December ku beegnayd 6 shaqada laga joojiyay wariye Cabdiqafaar Axmed Shire iyadoonan loo marin wax sharciya isla markaana lagu xadgudbay xaquuqdiisa aasaasiga ah ee wariyanimo.

“Subax isniina oo ay bisha December ahayd 6 waxaan sidii caadada ahaydba tagay goobta shaqada, waxaana maalintaasi 1da duhurnimo aanu lahayn shir maamulku ay sheegeen iney la qaadanayaan wariyayaasha ka hawl galayay idaacadda, waxaana kulankaasi looga hadlay saacadaha joogitaanka shaqada, qaabka soo saaritaanka barnaamijyada, iyo masuuliyadda saxafiyiinta halkaasi ka hawl galayay iyadoo isla markiiba uu kullanku dhamaaday”

Markuu kullanku dhamaanayay ayaa agaasimaha albany associates u qaabilsan maamulka idaacadda Bar-kulan oo lagu magacaabo Stev Turner waxa uu madashii shirka ka sheegay in marka kullanku uu dhamaado uu u baahan yahay inuu la kulmo Cabdiqafaar Shire iyo Faarax Lamaane, kadibna waxay isu raaceen Xafiiska Steve turner oo uu kullanku ka dhacay.

“Markii aanu tagnay xafiiskaasi anigu marnaba maanan filanayn wax shaqada la iiga saarayo iney halkaasi ka soo socdaan isla markaana muusan jirin tuhun ku aaddan shaqada aan Bar-kulan u hayay, hase ahaatee waxaa hadalka qaadtay Steve turner agaasimaha Bar-kulan waxa uuna si aanan gambad lahayn iigu wargeliyay in maamulka Bar-kulan uu go’aansaday inaan shaqada isaga tago, isagoo igu dhaliilay inaan dhaawac soo gaarsiiyay xiriirka Bar-kulan ay la lahayd DFKMG ah ee Soomaaliya, waxa uuna igu wargeliyay inaan sii maro xafiiska Maamulka iyo Maaliyadda ee Bar-kulan oo aan ka qaadto kharashka bishan December aan ku lahaa Bar-kulan kadibna aan isaga huleelo shaqada” Sidaasi waxaa qiray wariye Cabdiqafaar Shire.

Arinta uu wariye Cabdiqafaar Shire sida aadka ah ula yaabay waxay ahayd markii uu Steve Turner wariyahaasi ku wargaliyay in maamulka Bar-kulan aysan marnaba raali ka ahayn in la dhaliilo DFKMG ah ee Soomaaliya hadana marka taasi laga soo tago waxa uu Steve sheegay in wasiirka Cabdikariim Xassan Jaamac uusan raali ka noqonayn in wax looga sheego idaacadaasi waayo waxa uu Steve sheegay in labo arimoodba uusan raali uga noqonayn waa marka koowaade waxa uu ahaa wasiir aanu saaxiibnay isla markaana 8 berri ee aan Muqdisho joognay si fiican iigu soo dhaweeyay saaxiibtinimo qaaliyana ii muujiyay, dhinaca kale mashruuc ay deeq bixiyayaashu caalamku maal galinayaan ayaan ka rajeynaynaa in DFKMG ah ee Soomaaliya ay nasiiso fursad aanu mashruucaasi ku helno,  islamarkaana iskala shaqeyno in qaab casriya inaguna u habayno keydka da’da weyn ee Radio Muqdisho oo ah idaacadda Codka dawladda.

Wariye Cabdiqafaar waxa uu qiray in arintaasi kadib uu Steve turner ku wargeliyay in diyaarinta barnaamijkaasi lagu amray isla markaana uu ka cudur daartay in dhaliilo ay ka imaan karaan barnaamijkaasi maadaama guud ahaan afrika iyo gaar ahaanba Soomaaliya uu si aada uga jiro musuqmaasuq ba’an iyo is daba marin lagu waxyeelaynayo ruux waliba oo isku daya inuu ka hadlo arimo qaran iyo xadgudub ay gaystaan madaxda dawladaha afrika gaar ahaana Soomaaliya oo sanadkaan lagu sheegay dalka kaalinta koowaad ka galay dalalka ugu musuqmaasuqa badan caalamka.

“Waxaan Steve Turner ku wargliyay inaanan barnaamijkan iraadadayda amaba rabitaankayga aanan lagu sameynin waxaan u sheegay in la igu amray, waliba aan ka cudurdaartay diyaarinta barnaamijkaasi, anigoo ku adkaystay in haddii eediisa cid loo jeedinayo ay  ahayd inuu qaado masuulkii aniga igu amray inaan qaabka muranka dhaliyay barnaamijka u soo saaro” sidaasi waxaa ku adkastay Cabdiqafaar Shire

Waxa uuna Cabdiqafaar Shire tilmaamay in arintaasi ay sababtay in isla markiiba uu u tago Xafiiska haweeneey lagu magacaabo Darija Safranjic oo Bar-kulan u qaabilsan maamulka iyo maaliyadda oo ay iyaduna diyaar ula ahayd  kharashkii maalmaha uu bishan December ugu shaqeynayay Bar-kulan, kadibna uu xafiiska bar-kulan ka soo qaadtay agabkii u yaallay isagoo sidaasina shaqada uga soo tagay. 

Cabdiqafaar Shire oo noqday  wariyihii ugu horeeyay ee Soomaaliya oo todobaad walba barnaamij ka hadalaya tiknoolajiyadda casriga ah ee caalamka ka jirta gaar ahaana isgaarsiinta. Bogaga sheeko wadaaga, shirkadaha tiknoolijiyadda, iyo wax soo saarka tiknoolajiyadda caalamka ku soo bandhigi jiray barnaamijkaasi noqday mid kamida Barnaamijyada loogu dhageysiga badan yahay idaacadda Bar-kulan.

Wariye Cabdiqafaar Shire waxa uu ka cawday in markii horeba aysan idaacaddu ilaalinaynin xuquuqda aasaasiga ah ee saxafiyiinta Bar-kulan ka hawl gala, haatana ay ku dhiiradeen in si isdabamarin ay ka muuqato ay shaqada uga soo saareen.

1.Aniga iyo wariyayaasha Bar-kulan haatan joogaba waxaa jirtay dhibaatooyin mar waliba ina haystay oo aanaa ka hadli karin, waxaa kamida inteena badan waxan Bar-kulan ka shaqeynaynay ku dhawaad muddo hal sano ah, waxaa nala shaqaalaysiiyay markii hore inagoo dalka Kiinya qaxooti ku ah, waxaana haysanay warqado muujinaya inaan muwaadiniin Soomaaliya nahay isla markaana aan Kiinya qaxooti ku nahay, waxaan sidoo kale haysanay Baasabooro Soomaaliya, taasi oo markii aanu shaqada bilaabaynay nalagu wargaliyay in baasabooradeena la soo saari doono, warqado cadeynaya in naloo ogol yahay in Kiinya aan ka shaqeysan karno, taasina waynu ku hungownay oo waxay noqotay balan aanan la oofin, kaligay maahan dhamaan wariyayaasha Bar-kulan ka shaqeeya intooda badani ma haystaan Baasabooro sharciya oo ay u saaran tahay in Kiinya ay ka shaqeysan karaan isla markaana ay ku noolaan karaan, waxayna taasi dhalisay in mar, labo iyo sadexba qaar kamida saxafiiyinta Soomaalida ah ee Bar-kulan ka shaqeeya ay xarig u gaystaan qaar kamida ciidamada amaanka ee Kiinya. 

2.Arinta kale ee dhibaatada aniga iyo wariye kasta oo Bar-kulan la shaqeeya na soo foodsaartay ee aan aniguna haatan gaarka u dareemayo ayaa waxay tahay in xoogaga mucaaradka ee ku kacsan dawladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ay Bar-kulan ka aaminsan yihiin idaacad u shaqeysa ciidamada AMISOM e nabad ilaalinta u jooga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxayna taasi dhalisay in marar badan fariimo hanjabaado ah nala soo gaarsiiyo guud ahaan, gaar ahaana waxaa aniga dhawr jeer la iigu hanjabay inaanan Islaam ahayn oo aan AMISOM la shaqeeyo iyadoo la iigu hanjabay in qudha la iga jari doono gooray noqotaba taasi oo cabsi badan igu beertay muddo farabadan haatana aan baylaha amaba aan banaanka u aalo oo aan Bar-kulan ka soo tagay anigoonan haysan wax damaanad qaad ah isla markaana aanan ku laaban karin Soomaaliya guud ahaan  gaar ahaana goobaha ay ka taliyaan Mucaaradka.

3.Marka laga tago ururada saxaafadda caalamka guud ahaan gaar ahaana ururka saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ oo u ololeeya jiritaanka iyo ilaalinta xuquuqda saxafiyiinta Soomaaliyeed oo aanan haysan dawlad dhexe oo shuruuc iyo qawaaniin ilaalin kara saxaafadda iyo saxafiyiintaba u sameysay haddana waxay sababtay in saxafiyiinta ay dhibaatooyin ka dhan ah xuquuqda saxaafadda, xaqa saxafiga, iyo sidoo kale wax walba oo xadgudub ku noqon kara saxafiiyinta Soomaaliyeed ay ka hadasho islamarkaana diiradda saarta.

4.Ugu dambeyntiina ururka NUSOJ ayaa ballan qaaday in wariye Cabdiqafaar Shire uu dib u heli doono xuquuqdiisa lagu tuntay iyo xadgudubka ballaaran ee lagu sameeyay waxaanay NUSOJ wacad ku martay in hadiiba aysan jirin dawlad dhexe oo la xisaabtami karta qanadaraaslayaaasha ku xadgubda saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo ururada iyo shakhsiyaadka ajnabiga ah ee sheegta iney ka shaqeynayaan hawlaha baniiaadanimada isla markaana gaysta tilaabooyinka ka dhanka ah xuquuqda saxaafadda iyo xaqa saxafiga Soomaaliyeed oo inta badan loo fasirto inuusan lamid ahayn  saxafiyiinta kale ee caalamka.

Faahfaahin Kala soo xiriir                                                                          Cabdiqafaar Axmed Shire                                                                                     Cellphone: 254-722476608                                                                                     Email: Abdikafarshire@gmail.com

 

Khudbadda Wariye Cabdiqafaar Axmed Shire.

Uu ka jeediayay Hotel Barakaat oo uu kula kulmay Warbaahinta Soomaalida.

 

Bar-kulan Waa idaacadda ugu Musuqmaasuqa badan Soomaaliya, Waxaana Taageera Qaramada Midoobay

 

 

Hordhac

Ugu horeyn Bismilaah, Mahad dhamaanteed ilaahay ayay uu sugnaatay, waxaana qirayaa inuusan ilaah jirin marka laga yimaado ilaaha xaqa ah ee macbuudka ah oo sida sharciga ah koonkan u taagay islamarkaana ku abuuray, ku irzaaqay, kuna adoonsaday makhluuqa caalamkan ku sugan oo kala ah Noole iyo ma noole, dareere, adke iyo hawaba, waa ilaahayga koonkan ka abuuray dhirta iyo xayawaanka iyo qawmiyahadaha kala duwan ee banii aadamka ku abtirsado islamarkaana dhamaanteen nagu adoonasady inaan ilaahay caabduno, waxaan si taasi la mida u qirayaa in Nabi Muxamed Naxariis iyo Nabad galyo dushiisa ha ahaatee uu yahay rasuul rabigiis si saxa uga keenay risaalada loogu soo dhiibay ummaddan islamarkaana noo soo gaarsiiyay sida rabigeen uu noogu soo dhiibatay, anigoo ilaahay ka barayay inuu nagu dilo khaatumadeenan kusoo idleeyo diinta islaamka, aakhirana dhamaanteen nagu irzaaqo Jantul Firdaws.

Marka xigta waxaan Salaan qiime badan aan ku salaamayaa dadweynaha kala duwan ee kulankani kasoo qeyb galay kuwaasi oo isugu jira Warfidiyeenada oo aan aniguba ka tirsanahay, aqoonyahanada, wiilasha iyo gabdhaha quruxda badan ee kullankani ka soo qeyb galay, anigoo uga mahad celinaya in madashani ay nagala soo qeyb gallaan, waxaana idin leeyahay amaan iyo weynaynba waad iga istaahisheen goor walba iyo galin walba.

Kullanka iyo Muhiimadda isugu yeeridda kazoo qeyb galayaasha

Maanta oo ay taariikhdu tahay 13 Dec sanadka 2010 sida uu xiriiriyaha Madashan         Jaamac Feyte sheegay waxaa kullankani isugu kiin yeeray Anigoo ah Cabdiqafaar Axmed Shire oo aan filayo inaad in inbadan oo dadaweynaha goobtan isugu yimid aad I taqaaniin, halka qaar kale aanu hawada iska maqalnay, iyadoo ay sidoo kalana ay macquul tahay in inbadanoo idin kamida aanu madashan amaba Kullankan aanu isku baranayno.

Waxaan ka tirsanahay bahda saxaafadda amaba warfidyeenada Soomaalida waxaana qeyb ka ahaa koox wariyayaal Soomaaliya oo loo qaadtay idaacad sanadkan bilawgiisii laga furay deegaanka Spring valley, degmada Westland ee Magaaladata Nairobi ee caasimadda Kiinya, waxaa idaaccadaasi lagu magacaabaa Bar-kulan waxayse Soomaali badan u taqaanaa idaacadda AMISOM.

Waxaan ka tirsanaa wariyayaashii bilawgii idaacadda amaba intii aysan idaacaddu hawada soo galin la shaqaaleeyay isla markaana suurta galiyay in idaacadaasi ay bilaw wanaagsan hawada kusoo gasho.

 

Tilmaanta Idaacadda.

Waxaa idaacaddan lagu magacaabo Bar-kulan maalgaliya oo kharashka ku bixiya Jamciyadda quruumaha ka dhaxeysa amaba Qaramada midoobay qof waliba sida uu u yaqaano, waxaana loo soo marsiiyaa dhaqaalaha Hay’ad lagu magacaabo UNSOA oo ah hay’adda QM u qaabilsan taageerada ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM oo lagu magacaabo United Nations Support for Amisom hase ahaatee loo soo gaabiyo UNSOA, waxayna hay’adaasi u wakiilatay idaacadani iney maamulaan shirkado ajnabiya oo intooda badan laga leeyahay dalalka galbeedka gaar ahaana Britain amaba United Kingdom, Waxaa markii ugu horeysay ee shaqada naloo qaadanayay sanadkan Bilawgiisii raadiyaha maamulayay Shirkad lagu magacaabo Okapi Consulting oo fadhigeedu yahay dalka Koonfur Afrika amaba South Africa gaar ahaana magaalada Johanesburg, waxaase bishii tagtay ee November idaacadda la wareegay Shirkad kale oo lagu magacaabo Albany Assocaites taasi oo laga leeyahay dalka United Kingdom amaba UK, waxaana go’aamada ugu sareeya ee idaacadaasi gaara rag aanan u dhalan Soomaali islamarkaana dalalkoodii uga yimid iney ku tagri falaan isla markaana siday doonaan ka yeellaan dhaqaalihii umadda Soomaaliyeed loogu talo gallay, iyadoo aan qirayo in qaar kamida ay dalalkooda idaacado ku leeyihiin, isla markaana ay ku maamushaan kharashaadkii loogu talo galay warbaahinta Soomaaliya.

UJeedada Kullanka

Hadii aan ka gudbo tilmaanta idaacadda isla markaana aan gudo gallo ula jeedadii ka dambeysay inaan kullankani qabto islamarkaana aan la hadlo qaybaha kala duwan ee warbaahinta waxa sababay kadib markii aan arkay in arintani ay xad gudub ku tahay mihnadayda shaqo, muwaadinimadyda Soomaalinimo iyo Jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed, anigoonan ku degdegin qabsoomidda Kullankani iyo isu keenidda dadweynaha kulankani kasoo qeyb galay, ayaan ugu horeyba la tashtay qeybaha kala duwan ee Bulshada oo ay ugu horeeyaan Aqoonyahanada, Siyaasiyiinta, Warbaahinta iyo sidoo kale urarada ay ku mideysan yihiin saxafiyiinta Soomaaliyeed sida Ururka Saxfiyiinta Qurbajooga Soomaaliyeed oo talo weyn iga siiyay qabsoomidda Kullankani , sidoo kale waxaa qabsoomidda kulankani wax ka og ururka saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ oo iyaguna tallooyin iga siiyay arintani iina sheegay iney dhinacooda ka hadli doonaan, waxaana dhamaan shakhsiyaadkii iyo ururadii arintani talada iga siiyay aan uga mahadcelinayaa wanaagga iyo Soomaalinimada ay kulankani uga qeyb qaadteen.

Waxaan rabaa inaan idinku wargeliyo inaan shaqadii aan u hayay idaacadda Bar-kulan kasoo tagay 6di bishan Dec ee sanadkan 2010 kadib markii tacadiyo iyo dhibaato badani kadib ay maamulka Bar-kulan go’aan ku gaareen inaan shaqada joojiyo, islamarkaana si aanan waafaqsanayn qawaaniinta iyo shuraacda u degsan saxaafadda iila dhaqmeen

6dii Bishan Dec ee sanadkan 2010 oo ku beegnayd maalin isniina ayaa maamulka idaacadda Bar-kulan oo guud ahaanba intii aanu sanadkan u shaqeynaynay nagula kacay xadgudubyo ka dhan ah saxaafadda guud ahaanba wariyayaasha ka hawl gala gaar ahaana anigoo kamid ahaa wariyayaasha raadiyaha iyo Websiteka Bar-kulan labadaba.

Anigoo u arkayay xadgudubyadaasi kuwa aanan u dulqaadan karin islamarkaana u muuqday kuwa lagu dulaysanyo oo lagu liidayo mihnadayda shaqo ee aan mudada sanadka ah ugu shaqeynayay idaacadda Bar-kulan.

Waxaan anigu aaminsanahay in saxafiga uu yahay ruux door wanaagsan ku leh horumarka iyo isgaarsiinta bulshada, isla markaana uusan ahayn ruux lagu dulaysan karo islamarkaana lagu gumeysan karo shilimaad yar oo mushaar ahaan loo siiyo.

Maalintaas aan kor kusoo xusay ayaa waxaa dhacay arin sababtay in la iga joojiyo shaqadii aan bar-kulan u hayay islamarkaana ay maamulku si aanan wanaagsanayn iila dhaqmaan islamarkaana ii muujiyaan in idaacaddu aysan ahayn idaacad ku shaqeysa cadaalada iyo sinaanta oo ah waxa kaliya ee lagu gaari karo horumar iyo baraare bulsho.
Waxaan hortiina ka qirayaa inaanan sina u garanaynin waxa sababay in shaqadii Bar-kulan aan ka hayay la iga joojiyo, anigoo awalba tacadi iyo dhibaato idaacadaasi uga shaqeynayay in haatana Shaqadii la iiga soo saaray barnaamij diyaarintiisa iyo baahintiisaba ay maamulka Bar-kulan I amreen.

“ aan soo bilaabo wakhtiga mushkiladani ugu horeyntii ay bilaabatay Waxay ahayd 11kii November waxaa subaxdii barnaamij lagu magacaabo xulka wararka oo idaacadda bar-kulan ka baxa 8da aroornimo wareysi lagula yeeshay Eng Ismaaciil Jimcaale oo ka hadlayay in dawladda Soomaaliya ay si aanan sharci ahayn ugu wareejisay domainka Soomaaliya shirkad ajnabiya oo laga leeyahay dalka Japan, taasi oo lagu magacaabo GMO Registry.

Hadaba markii aan shaqada subaxaasi soo galay ayaa la igu wargeliyay in maamulka Bar-kulan ay I dhaafeen fariin ah Cabdiqafaar Marka uu shaqada soo galo hanoo yimaado gaar ahaana waxaa fariintaasi ii dhaafay Nin lagu magacaabo Soulle Issiaka oo u dhashay dalka Benin waana agaasime ku xigeenka Bar-kulan ahna madaxa barnaamijyada iyo wararka idaacadda.

“Kadib markii arintaasi la igu wargeliyay waxaan aaday xafiiska Soulle Issiaka oo ah masuulka fariinta ii reebay waxa uu igu soo qaaday barnaamijyo taxane ah oo afara inaan ka sameeyo Domainka Soomaaliya, oo lagu dhaliilayo in DFKMG ee Soomaaliya ay ku wareejisay shirkad ajnabiya kuwaasi oo aan ku baahiyo barnaamijkii aan soo saare ka ahaa oo lagu magacaabay Soomaalida iyo Tiknoolajiyadda, waxa uuna igu amray qaab dhismeedka barnaamijkaas inaan u sameeyo qaab uu isagu u dejiyay oo ahayd inaan saddexda barnaamij ee hore aan ku wareysto aqoonyahanada, ardeyda iyo bulshada qaybeheeda kala duwan ee ka hadalaya amaba dawladda ku dhaliilaya iney wareejisay isla markaana iibsatay Domainka Soomaaliya, anigoo sidoo kalana la igu amray inaan diyaariyo waxa uu yahay Domainka, Shirkadda iibsatay dalka laga leeyahay, qaabka ay shirkaddu ugu iibineyso fagaaraha onlineka caalamka halka barnaamijka afaraadna la igu amray inaan ku wareysto qeybaha kala duwan ee DFKMG ah ee Soomaaliya si ay uga hadlaan eedaymaha loo jeedinayo ee ku aaddan domainka Soomaaliya sida wasiirka warfaafainta, dad ku hadla magacyada labada golle ee xukuumadda iyo golaha sharci dejinta.

Markii qaabkaasi la ii soo jeediyabay inaan u sameeyo barnaamijyadaasi afarta ah ee la igu wargeliyay inaan kadiyaariyo Domainka Soomaaliya ee DOT SO, ayaan Soulle Issiaka ku wargeliyay inaan ku faraxsanayn qaabkaasi isla markaana ay dhibaato ka imaan karto maadama Bar-kulan aysan ahayn idaacad madax banaan oo ku xiran Qaramada Midoobay, waxaana soo jeediyay in Barnaamijka koowaad iyo barnaamijta kaleba aysan u muuqan kuwa lagu weerarayo siyaasadda Dawladda, lana helo barnaamij agabkiisu uu isu dheelitiran yahay oo aan ula jeeday in labada dhinacba Barnaamijka koowaad lagu waresyto waa dhinacayada eedaymaha isu jeedinayee, waxaan soo bandhigay in aqoontayda saxaafadeed oo aanan ahayn mid si aada u weyn iney I farayso in diyaarinta barnaamijku ay noqoto mid dhexdhexaada islamarkaana aysan cidna ugu horeynba u fahmin in lagu weerarayo.

Waxaan kaloo sheegay in Barnaamijkan Soomaalida Iyo Tiknoolajiyadda oo aan markiisii horeba magiciisu aan anigu lahaa, aan uga gl lahayn mid cilmi iyo aqoon faafiya balse uusan noqon mid siyaasadda lagu gorfeeyo noqon.

Waxaa uu Soulle Issiaka oo aan filayay inuu arintaasi u garaabayo uu ka doortay inuu maro wadadii aan ku aqaanay mudada sanadka ahayd ee aanu wada sahqeynaynay oo ahayd inuusan tixgelinin fikradaha iyo aragtida shaqaalaha idaacadaasi ka shaqeeya oo aan anigu kamid ahaa, waxa uuna igu yiri:

I have been working Radio Netherlands more than 30 years, which is exactly describes that the Duration of my staying in Radio Netherlands older than your age, Definetely I will not ask for anybody the Content and Structure of Radio programs, although I can’t speak Somali language but I can understand the contents of Every thematic programs, I am also informing you that we are not considering any Censorship coming from the Transitional Federal Government , and it is good that you have to know that Radio Bar-kulan is an independent Station.

oo micnaheedu yahay.

“Waxaan ka soo shaqeynayay Radio Netherlands inkabadan 30 sano, taasi oo dhab ahaantii qeexaysa amaba tilmaamaysa in joogitaankaygii Radio Netherlands ay ka badan tahay mudada aad jirto, ruuxna ma weydiin doono agabka iyo qaab dhismeedka barnaamijyada inkastoo aanan ku hadli Karin luuqadda afka Soomaaliga balse waan fahmi karaa agabka barnaamij kasta oo todobaadle ah, waxaan sidoo kale ku ogeysiinayaa inaanaa wax tixgelina gaara u ahayn in DFKMG ah Soomaaliya uu noogu yimaado Faafreebid Bar-kulan ay ku sameyso, isagoo ugu dambeyntiina ii sheegay inaan garawsado in Bar-kulan uu yahay Station Madax banaan.     

Si kastaba ha ahaatee 4tii bishan Dec waxaa dhacay arintii aan anigu tuhunsanaa oo ahayd in dawlada Soomaaliya ay ka carootay qaabkii uu barnaamijkaasi uga baxay Bar-kulan islamarkaana looga hadlayay Domainka Soomaaliya ee lagu wareejiyay shirkadda Jabaaniiska ah.

“Waxaa barqadii uu barnaamijka baxay oo ahayd subaxnimo Sabtiya taariikhduna ay ku beegnayd 04-12-2010 aanu taleefan kuwada hadalnay Soule Issiaka oo markii horeba igu amray inaan barnaamijka qaabkaasi u sameeyo, waxa uu ii sheegay in Wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta Cabdikariim Xassan Jaamac oo lasoo hadlay Qaramada Midoobay, Simon Haselock oo ah madaxa shirkad lagu magacaabo Albany Associates oo iyadu maamusha Bar-kulan, Simon Davies oo ah masuulka albany associates u qaabilsan UNSOA oo ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan taageeridda ciidamada Amisom oo ah hayadda tageerta idaacadda Bar-kulan, waxa uuna wasiirku dadka uu soo wacay kala hadlay inuusan raali ka ahayn idaacadda Bar-kulan barnaamijka ay kasoo diyaarisay Domainka Soomaaliya ee DOT SO in lagu wareejiyay shirkadda GMO Registry oo dalka Jabaan” sidaasi waxaa ii sheegay Soulle issiaka oo aanu wada hadalnay, waxa uuna intaasi raaciyay in wasiirku uu maamulka Bar-kulan ku wargaliyay inuu xumaan karo heshiiska DFKMG ah ee Soomaaliya ay Bar-kulan la wadaagto hadiiba idaacaddu ay baahineyso barnaamijyo liddi ku ah rabitaanka Xukuumadda Soomaaliya.

Isla maalintii uu barnaamijka ka baxay idaacadda waxaan aniga iyo Soulle Issiaka iyo isku waafaqnay in barnaamijkii subaxaasi idaacadda ka baxay wax laga badalo si uusan dhibaato kale ugu keenin xiriirka Bar-kulan iyo dawladda, labada jeer ee kale ee u harsanayd wakhtiga uu barnaamijkaasi todobaad walba ka baxo anigoo haya cadeyntii aanu labadayada is dhaafsanay.

Waxaa kamid ahayd waxyaabaha aanu isku waafaqnay in barnaamijka laga saaro meelo badan oo lagu xusayay magaca wasiirada iyo masuuliyiinta dawladda ee lagu dhaliilayay iney iibsadeen amaba ay wareejiyeen Domainka Soomaaliya, waxaa sidoo kale qirayaa in lagu amray inaan ku daro wargelin gaaban oo dhageystayaasha aan ku ogeysiinayo in todobaadka xiga aan barnaamijka ku wareysan doono dhinacyada TFGda gaar ahaana wasiirka warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta taasi oo ahayd wixii kolkii horeba la iga diiday.
Waxa uu barnaamijkaasi Bar-kulan ka baxay subaxdii iyo habeenkii sabtida ahayd oo ay bishu ku beegnayd 04-12-2010 waxaana ku celiskiisii baxay subaxdii xigtay ee Axadda oo ahayd 05-12-2010 waxa uuna Barnaamijku caro balaaran u gaystay masuuliyiintii dawladda ee lagu dhaliilayay iney iibasadeen amaba ay wareejiyeen mid kamida hantida guud ee qaranka Soomaaliyeed, waxayna arintaasi natiijadeedu noqotay in maalmihii xigay Wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta DFKMG ah ee Soomaaliya uu isago oo kasoo dhoofaya magaalada Muqdisho garoona caalamiga ah ee Aadan Cadde uu ku qabto shir saxaafadeed uu wasiirku uga hadlyay Domainka Soomaaliya, taasi oo uu sharaxaad dheer ka bixiyay isla markaana uu sheegay in wakhtiga Domainkaasu lala wareegayay uusan ahayn madaxa wasaarada boostada iyo Isgaarsiinta.

Hadaba markii uu wasiirku Shirka Jaraa’id qabtay ayaa maalin isniina oo ay taariikhdu ku beegnayd 6 shaqada la iga joojiyay iyadoonan loo marin wax sharciya isla markaana lagu xadgudbay xaquuqdaydii aasaasiga ahayd ee Saxafinimo.

“Subaxaasi waxaan sidii caadada ahaydba tagay goobta shaqada, waxaana maalintaasi 1da duhurnimo aanu lahayn shir maamulku ay sheegeen iney la qaadanayaan wariyayaasha ka hawl gala idaacadda, waxaana kulankaasi looga hadlay saacadaha joogitaanka shaqada, qaabka soo saaritaanka barnaamijyada, iyo masuuliyadda saxafiyiinta halkaasi ka hawl gala iyadoo isla markiiba uu kullanku dhamaaday”

Markuu kullanku dhamaanayay ayaa agaasimaha albany associates u qaabilsan maamulka idaacadda Bar-kulan oo lagu magacaabo Stev Turner oo ah nin u dhasahay dalka Britain nala joogay wax ka yar laba bilood waxa uu goobtii shirka ka sheegay in marka kullanku uu dhamaado uu u baahan yahay inuu la kulmo anigoo Cabdiqafaar Shire ah iyo Faarax Lamaane oo isku duwaha mashruuca Bar-kulan, kadibna waxaynu isu raacnay Xafiiska Steve Turner.

“Markii aanu tagnay xafiiskaasi anigu marnaba maanan filanayn wax shaqada la iiga saarayo iney halkaasi ka soo socdaan isla markaana muusan jirin tuhun ku aaddan shaqada aan Bar-kulan u hayay, hase ahaatee waxaa hadalka qaadtay Steve turner agaasimaha Bar-kulan waxa uuna si aanan gambad lahayn iigu wargeliyay in maamulka Bar-kulan uu go’aansaday inaan shaqada isaga tago, isagoo igu dhaliilay inaan dhaawac soo gaarsiiyay xiriirka Bar-kulan ay la lahayd DFKMG ah ee Soomaaliya, waxa uuna igu wargeliyay inaan sii maro xafiiska Maamulka iyo Maaliyadda ee Bar-kulan oo aan ka qaadto kharashka bishan December aan ku lahaa Bar-kulan kadibna aan isaga huleelo shaqada”

Arinta aan sida aadka ah ula yaabay waxay ahayd markii uu Steve Turner wariyahaasi ku wargaliyay in maamulka Bar-kulan aysan marnaba raali ka ahayn in la dhaliilo DFKMG ah ee Soomaaliya hadana marka taasi laga soo tago waxa uu Steve ii sheegay in wasiirka Cabdikariim Xassan Jaamac uusan raali ka noqonayn in wax looga sheego idaacadaasi waayo waxa uu Steve tilmaamay in labo arimoodba uusan raali uga noqonayn waa marka koowaade waxa uu ahaa wasiir aanu saaxiibnay ayuu igu yiri isla markaana 8 berri oo aan Muqdisho joognay si fiican iigu soo dhaweeyay saaxiibtinimo qaaliyana ii muujiyay, dhinaca kale mashruuc ay deeq bixiyayaashu caalamku maal galinayaan ayaan ka rajeynaynaa in DFKMG ah ee Soomaaliya ay nasiiso fursad aanu mashruucaasi ku helno hadii aanu nahay Bar-kulan,  islamarkaana aanu iskala shaqeyno in qaab casriya lagu habeeyo keydka da’da weyn ee Radio Muqdisho oo ah idaacadda Codka dawladda.

Marka waxa uu agaasimaha Bar-kulan ii sheegay inaan hareer maray rabitaanka iyo danta Bar-kulan, oo ah inaanan dawladda waxba laga sheegi Karin xaataa hadii badda iyo beriga Soomaaliyaba ay xaraashto.

Intaasi kadib waxaan Steve turner oo ah ninkaan horey usoo sheegay ku wargeliyay in diyaarinta barnaamijkaasi la igu amray isla markaana aan ka cudur daartay in dhaliilo ay ka imaan karaan barnaamijkaasi maadaama guud ahaan afrika iyo gaar ahaanba Soomaaliya uu si aada uga jiro musuqmaasuq ba’an iyo is daba marin lagu waxyeelaynayo ruux waliba oo isku daya inuu ka hadlo arimo qaran iyo xadgudub ay gaystaan madaxda dawladaha afrika gaar ahaana Soomaaliya oo sanadkaan lagu sheegay dalka kaalinta koowaad ka galay dalalka ugu musuqmaasuqa badan caalamka, ayna macquulba ahayn in Barnaamij eedaymo xambaarsan lagu wareysto hal dhinac.

“Waxaan Steve Turner ku wargliyay inaanan barnaamijkan iraadadayda amaba rabitaankayga aanan lagu sameynin waxaan u sheegay in la igu amray, waliba aan ka cudurdaartay diyaarinta barnaamijkaasi, anigoo ku adkaystay in haddii eediisa cid loo jeedinayo ay ahayd inuu qaado masuulkii aniga igu amray inaan qaabka muranka dhaliyay barnaamijka u soo saaro kaasi oo ahaa Soulle Issiaka oo markaan iri qaabkaasi barnaamijka hadduu ku baxo dhaliilo ayaa ka imaan kara.
Waxaan intaasi kadib si toosa u abaaray amaba aan u tagay Xafiiska haweeneey lagu magacaabo Darija Safranjic oo Bar-kulan u qaabilsan maamulka iyo maaliyadda oo ay iyaduna diyaar iila ahayd  kharashkii maalmaha aan bishan December ugu shaqeynayay Bar-kulan.

Waxaana arintii ay noqotay mid xambaarsan Hummiliation amaba sharaf ridid iyo liidid ku wajahan xirfadayda waxaana muddo 24 saan ku siman uga soo baxay xafiiska Bar-kulan iyadoo xaataa aanan la iiqorin Dismisal Letter oo ah warqadii shaqada la iiga soo saaray iyo sababtii shaqada la iiga soo saaray.

Hadaba waxaa manta igu kaliftay inaan idin kusoo casuumo kullankani inaan idin ogeysiiyo xadgudubkaasi la igu sameeyay isla markaana lagu dhaawacay mihnadaydii shaqo.

Maamul guracan oo ajnabiya oo ku tagrifalaya dhaqaalihii loogu talo galay warbaahinta Soomaaliya iyo Xukuumad sheegatay iney na badbaadinayso laakiin u xuubsiibatay wareejinta iyo iibinta hanta qaran ayaa isu kay biirsaday iney I aamusiyaan, isla markaana iga dhigaan dambiile, dhagar qabe ah laakiin waxaa go’aanka ugu dambeeya gaaraya qeybaha kala duwan ee shacbiga Soomaaliyeed kadib markay si dhaba u ogaadaan cadaalada darada, xumaanta, kadeedka, iyo liidida lagu hayo saxafiiyinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeya Bar-kulan oo aniguba qeyb ka ahaa.

Waxaan Bulshada Soomaaliyeed inta wanaagga iyo Soomaalinimadu ay ku weyn tahay ku wargelinayaa in idaacadaasi Bar-kulan lagu magacaabo iyo maamulkeedaba ay ka siman yihiin ineysan ilaalinaynin xuquuqda aasaasiga ah ee saxafiyiinta idaacadaasi ka hawl gala, haatana ay ku dhiiradeen amaba ay ku degdegaan iney si isdabamarina ay ka muuqato ay shaqada iiga soo saaraan iyagoo waxaan jirin iigu Marmarsiyoonaya, waxaana hortiina iyo ummadda Soomaaliyeed iyo DFKMG ah ee Soomaaliya golaheeda sharci dejinta oo ah Hay’addaha saddexda ah Hay’adda ugu sarreysa in Idaacadda Bar-kulan ay tahay Raadiyaha ugu musuqmaasuqa badan idaacadaha afka Soomaaliga ku hadla, iyadoo waliba idaacadda noocaasiya ay taageerto Qaramada Midoobay oo goor walba sheegta iney ka sahqeynayso nabadeynta Soomaaliya iyo Horumarinta Warbaahinta Soomaalida.

Waxaan qirayaa in dhibaatada saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Bar-kulan ka hawl gala ay tahay mid laga badbadiyay oo tankeeda dhaaftay, taasi oo sababtay in hay’ado ajnabiya ay dalalkoodii uga soo tageen in si qaawan hantidii iyo deeqihii Soomaaliya loogu talo galay ay u bililiqaystaan  islamarkaana tacadi iyo gumeysi ugu geystaan muwaadiniin Soomaaliya oo aanan haysan dawlad iyo hay’ado caalamiya oo xuquuqdooda dhawra, waxaana qodob qodob u sheegayaa qaar kamida dhibaatooyinka Bar-kulan iga soo gaaray intii aan joogay iyo waliba kuwa maanta I horyaalla oo aanan awoodin gees aan isaga leexiyo waxaana kamida Mushkiladahaasi:

  1. Aniga iyo wariyayaasha Bar-kulan haatan joogaba waxaa jirtay dhibaatooyin mar waliba ina haystay oo aanaa ka hadli karin, waxaa kamida inteena badan waxaan Bar-kulan ka shaqeynaynay ku dhawaad muddo hal sano ah, waxaa nala shaqaalaysiiyay markii hore inagoo dalka Kiinya qaxooti ku ah, waxaana haysanay warqado muujinaya inaan muwaadiniin Soomaaliya nahay isla markaana aan Kiinya qaxooti ku nahay, waxaan sidoo kale haysanay Baasabooro Soomaaliya, taasi oo markii aanu shaqada bilaabaynay nalagu wargaliyay in baasabooradeena la soo saari doono, warqado cadeynaya in naloo ogol yahay in Kiinya aan ka shaqeysan karno, taasina waynu ku hungownay oo waxay noqotay balan aanan la oofin, kaligay maahan dhamaan wariyayaasha Bar-kulan ka shaqeeya intooda badani ma haystaan Baasabooro sharciya oo ay u saaran tahay in Kiinya ay ka shaqeysan karaan isla markaana ay ku noolaan karaan, waxayna taasi dhalisay in mar, labo iyo sadexba qaar kamida saxafiiyinta Soomaalida ah ee Bar-kulan ka shaqeeya ay xarig u gaystaan qaar kamida ciidamada amaanka ee Kiinya, taasi oo xadgudub ku ah nidaamka shaqada iyo shaqaalaha.
  2. Waxaan qirayaa in dhamaanteen nalugu duleystay qandaraaska aanu ku shaqeynaynay oo muddo hal sano ah aanu dhamaanteen ku shaqeynayay qandaraaska QM ay u aqoonsan tahay Special Service Agreemen loona soo gaabiyo SSA kaasi oo ah heshiis dhigaya muddo ku siman saddex bilood oo lagu qiiimeeyo shaqada ruuxa kadibna uu saxiixo qanadaraas amaba Contract sanad gaaraya taasi oo u muuqata mid nalgu dulaystay, aniguna aan ka aamusi waayay.  
  3. Arinta kale ee dhibaatada aniga iyo wariye kasta oo Bar-kulan la shaqeeya na soo foodsaartay ee aan aniguna haatan gaarka u dareemayo ayaa waxay tahay in xoogaga mucaaradka ee ku kacsan dawladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ay Bar-kulan ka aaminsan yihiin idaacad u shaqeysa ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, oo ay iyagu u yaqaaniin cadawga Ilaahay, waxayna arintaasi dhalisay in marar badan fariimo hanjabaado ah nala soo gaarsiiyo guud ahaan, gaar ahaana waxaa aniga dhawr jeer la iigu hanjabay inaanan Islaam ahayn oo aan AMISOM la shaqeeyo iyadoo la iigu hanjabay in qudha la iga jari doono gooray noqotaba taasi oo cabsi badan igu beertay muddo farabadan haatana aan baylaha amaba aan banaanka u aalo oo aan Bar-kulan ka soo tagay anigoonan haysan wax damaanad qaad ah amaba Job Security isla markaana aanan ku laaban karin Soomaaliya oo ah dalkayga aan jeclahay guud ahaan  gaar ahaana goobaha ay ka taliyaan Xoogaga Mucaaradka eek u kacsan DFKMG ah ee Soomaaliya.
  4. Hadaba dhibaatada intaase le’eg ee aan dareemayo dhabtiina aan filayo in qaar badan oo idnka mida ay ila fahmayaan ma tahay mid indhaha laga qarsan karo, ma tahayse mid laga aamuso oo aan loo soo bandhigin warbaahinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, Jawaabta waxaan u daynayaa Bulshada Soomaaliyeed ee Kullankani kasoo qeyb gashay, iyo inta warfidiyeenadu ay dhambaalkayga gaarsiiyaan.
  5. Ugu dambeyntii waxaan baaq, bogaadin iyo talaba u soo jeedinyaa saxafiyiinta Soomaaliyeed, ee aan aniguba ka tirsanahay ee aanan helin dawlad iyo qaran ku ilaaliya mihnadooda shaqo, iyo ururo caalamiya oo si dhameystiran u damaanad qaada xirfadooda iney muujiyaan isku duubni wada jir iyo iskaashi dhameystiran oo sal u ah wadaniyad, ala kacabsi, iskuduubni iyo Soomaalinimo si aysan u dhicin maalin walba in midkeen kamida bahda warbaahinta Soomaalida uu meel cidlo ah amaba baylah ah ka qaadto bahal amaba cadaw aanu horey u diyaar san karnay gaashaankii aanu kula dagaalami lahayn, si aanan loogu xadgudbin xuquuqda saxaafadda Soomaalidu saxafiga Soomaaliyeedna uusan u noqon looma ooyaan iyo ruux u nugul in la dhibaateeyo.
  6. Waxaa sidoo kale DFKMG ah ee Soomaaliya golahaeeda sharci dejinta iyo xukuumadda, ururada u dooda xuquuqda saxafiyiinta caalamka iyo Soomaaliyaba ka codsanayaa iney ka hadlaan xadgudubka la igula kacay isla markaana baaraan dhibaatada iyo amni xumada aan dareemayo oo ay sababtedu ahayd in dad ajaanib ah oo aanan Soomaaliya u dhalan ay nagu maamulaan islamarkaana nagu dulaystaan wax markoodii horeba loogu talo galay sida la sheegayo nabadeynta Soomaaliya.

Waxaan intaasi uga baxayaa hadalkii aan Munaasabadani ugu talo galay anigoo idiinka mahad celinaya kasoo qeybgalkiina iyo dhageysigiina, Waad Mahadsantihiin.

Faahfaahin Kala soo xiriir                                                                          Cabdiqafaar Axmed Shire                                                                                     Cellphone: 254-722476608                                                                                     Email: Abdikafarshire@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Awelba ujeedada idaacadda laga leeyahay adoo og baad u shaqaysay,warkaaga hadda macna samayn maayo waayo idaacadda iyo mid la mida ayaad u socotaa una shaqaynaysaa,markaa iska shaqa tag,laakiin annigu waxaan kuugu ducaynayaa in ilaahay ku kala tuso warbaahin muslin iyo mid gaalo leedahay,gaaladu miyaanay ahayn ta ilaahay ka wraramay khiyaanadooda iyo makrigooda? walaal ilaahay u noqo irsaaqad gaalo mid ka wanaagsan baa ilaahay ku siinayaaye asc

  2. adan says:

    waa sida uu sheegay walalkeen maxamed farax qaabkaas uun sameeya mr abdi qafar




WARARKI HORE

Beero Xashii oo dab la qabadsiiyay Dhul beeraad xashiish lagu tabcayay oo dab la qabadsiiyay
- Apr 2, 2014
[caption id="attachment_14232" align="alignleft" width="300"] Beero Xashii oo dab la qabadsiiyay[/caption] Maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ee ...
kistaa Kenya oo qunsuliyad ka furatay Kismaayo
- Apr 2, 2014
Karanja Kibicho Xoghayaha joogtada ah ee Wasaarada Arimaha Dibada ee Kenya ayaa daaha ka ...
Jidgooyooyin lagu sugayo ammaanka oo la dhigay wadooyinka xaafada Eastleigh iyo dadka Soomaalida oo wadnaha farta ku haya
- Apr 2, 2014
[caption id="attachment_14219" align="alignleft" width="330"] Booliska oo baaraya gaadiid maraya isgooyska Burhan State Eastleigh[/caption] Dadka Soomaalida ...
Daahiye Xildhibaanka laga soo doorto Dhabaab oo ka hor yimid in qaxootiga lagu celiyo xerooyinka
- Apr 1, 2014
Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Dhadhaab Maxamed Daahiye ayaa kasoo horjeedsaday go’aanka dowladda Kenya ...
Seeraar Seraar “Waxaan soo dhaweyneynaa maamulka seddexda gobol ee Baydhabo”
- Apr 1, 2014
Afhayeen maamulka KMG Jubba, Cabdinaasir Seeraar ayaa warbaahinta la hadlay isagoo sheegay in ay ...
qarax-nair 5 qof oo ku dhimatay qaraxyo is xig-xigay oo ruxay xaafada Eastleigh
- Mar 31, 2014
Laba qarax oo is xig-xigay ayaa caawa fiidkii ka dhacay xaafada Eastleigh ee ay ...
Mudane-Jawaari Jawaari “Ma qaadan doono miisaniyad lagu keenay lacag dollar ah dalka lacag buu leeyahay taas baan rabnaa
- Mar 31, 2014
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaliya Prof: Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa markii u horeysay ka hadlay arrinta ...
wadada Al-Shabaab oo xanibtay isu socodka gaadiidka ee Beledweyn iyo Buulo-burte
- Mar 31, 2014
Kooxda Al-Shabaab oo dhawaan laga qabsda degmada Buula-burte ayaa bilowday qorshe cusub oo ay ...
kenya-police-nairobi Hawlgalo ka socda xaafada Eastleigh ee ay Soomalida degto
- Mar 31, 2014
Ciidamada booliska iyo kuwa laanta la dagaalanka Argagaxisada ayaa ka wada xaafada ay Soomaalida ...
jawaari Madaxweyne Xasan iyo Jawaari oo caawa Baydhaba ku hoyday
- Mar 30, 2014
Madaxewynaha dowlada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray ...